Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday goobta laga hagayo dagaalka Al-shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon ayaa kormeeray xarunta hawlgalinta ciidamada xoogga dalka oo u jiheeyay shaqadoodii Qaran.

Madaxweyanaha ayaa waxaa warbixin siiyey wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Cabdulqaadir Maxamed Jaamac iyo saraakiisha taliska xoogga dalka ee ku sugan Dhuusamareeb, waxaana madaxweynuhu ku bogaadiyey tallaabooyinka ay  qaadeen furimaha dagaalka.

Hawlgalkan oo si xawli ah uga soconaya deegaanada kooban ee AlShabaab kaga harsantahay Galmudug ayaa waxaa qayb ka ah bulshada deegaanka, iyadoo qorshahu yahay alshabaabka Galmudug ku harsan in lagu soo gabagabeeyo wajiga hore ee dagaalka.

SHARE

LEAVE A REPLY