Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Raysal wasaaraha dalka Talyaaniga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, maadama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika.

Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah.

SHARE

LEAVE A REPLY