Madaxweyne Xasan Sheekh ” 15 sano waxay AMISOM qaban weysay ayay ciidanka xoogga qabteen”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar kula kulmay Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socda dalkaas.

Madaxweynaha oo khudbada dhinacyo badan taabeysa u jeediyay Saraakiishaan ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda guud ahaan dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay baahi weyn u qabto saraakiishaan, isaga oo carabka ku dhuftay dhibaatada ugu weyn ee hadda heystata in ay tahay Saraakiil la’aan aysan ahayn Askar la’aan, “Dhibaatada Soomaaliya heysta maanta Askari ma’ahan ee waa Sarkaal la’aan,” sida uu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Maanta Soomaaliya ay u baahan tahay Askar iyo Saraakiil dalka u dhashay, waxa uu sheegay muddadii 15-ka sano oo ay joogeen Ciidanka AMISOM waxa ay qabteen ay Ciidanka Xoogga dalka ku qabteen wax ka yar sanad.

“AMISOM oo haysata Taangiyaal, Beebayaal, Madaafiic iyo waxl waliba, 15 sano way noo sameen waayeen waxa ay innoo sameeyeen Ciidanka xogga dalka muddada yar,” sida uu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

“Dalkeena isaga oo dowlad leh oo dhisan annagaa duminnay, hadda in aan dhisno oo dowlad u yeelno annaga uu naga sugayaa, gaashaanbuur NETO haddii ay timaado dowlad nooma dhisi karto. 33 dawladood Ciidankooda ayaa Soomaaliya yimaaday dhawr sano ka dib way isaga baxeen.” Sida uu yiri Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin rajo kale oo Soomaaliya ay yimaadaan Ciidan kale oo dhisa, isaga oo sheegay in laga kaalmeen karo aqoon iyo qalab balse aan lagu kaalmeen karin qof dhisa dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku jooga booqasho, isaga oo maalnimadii shalay kulan la yeeshay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Taani oo ay ka wada hadleen arrimo dhawr ah.

SHARE

LEAVE A REPLY