Madaxweyne Xasan oo reer Maxaas u balan qaaday adeegyo muhiim.ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada ay ka socdaan dagaalka ka dhanka ah AS, kaas oo ka socda inta badan dalka.

wafdiga Madaxweynaha ayaa Degmada Maxaas waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan AS, isaga oo ku adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay deegaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan AS.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” Sida uu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay gaarsiin doonto adeegga dowladnimada deegaanada laga xoreeyay AS.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa ka mid ah socdaal uu ku tagayo deegaannada laga qabsaday AS, isaga oo ku sii jeeda deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud oo ay ka socdaan dagaalka ka dhan ah AS.

SHARE

LEAVE A REPLY