Madaxweyne Waare oo sir cusub banaanka kasoo dhigay dagaalka Laascaanood

0

Madaxweynihii hore ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in wadahadal lagu baddelayo khilaafka siyaasadeed ee Somaliland & Dadka Magaalada Laascaanood ee sababay in dagaal & Duqeyn isku wajahaan labadaas dhinac.

Waare ayaa musiibo ku tilmaamay in duqeyn xooggan ee lagu garaaco Magaalada Laascaanood iyada oo la heli karo xal aan dagaal & madaafiic ahayn oo ay isku fahmi kareen dhinacyada isku haya gacan ku heynta xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Maxamed Cabdi Waare ayaa Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu Laascaanood ka geystay xad-gudub ka weyn kan ay ka tirsaneysay Dowladdii Militariga ahayd isaga oo sheegay in 30-sano kaddib dhibaatooyin uu maamulkiisa geysanayo.

“Wixii dhibaato dhacay oo dad la qarxiyay, gaajo loo dilay in maanta dagaal sii socda waa musiibo, bani aadamnku ilko & carab ayaa isku dhaw way is qaniinaan balse waxaa lagu kala hormaray sidee khilaaf loo xaliyaa, dadka marka la leeyahay waa indheer-garad waxaa u muuqda waxa soo socda, in colaad xal la moodo waa nasiib darro, haddii caqliga saliimka ah la oddoroso meesha ay wax ku dhammaanayaan waxaa muuqda raad aan wanaagsaneen, waa nasiib darro in colaad xal la moodo innaga oo og wixii lasoo maray” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Hanootaalo.

Madaxweynihii hore ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Madaxweyne Muuse Biixi & Xukuumaddiisa usoo jeediyay in ay raadiyaan xal aan xabbad ahayn, haddii uu ku adkeystana uu ka dhaxlayo dhibaatooyin daba soconaya adduun iyo aakhiro.

Baaqyo kala duwan ayaa loo diray dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood balse dheg-jalaq uma siin, dagaalka billawday 6dii Febaraayo 2023 waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac, barakac & burbur, waxaana weli is horfadhiya dhinacyada dagaalamaya.

SHARE

LEAVE A REPLY