Madaxweyne Mustafe cagjar oo isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada ee Xukuumaddiisa

0

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada ee xukuumaddiisa, iyadoo horey uu isku shaandhayn uu ku sameeyay qaar kamida maamullada gobollada iyo degmooyinka degaanka.

Haddaba isku shaandheyntan cusub ayaa u dhacdey in Wasiiro joogay xafiisyo waaweyn lageeyay xafiisyo yaryar, sidoo kalena kuwii xafiisyada yaryar joogayna loo dalacsiiyay xafiisyo waawayn, dhinaca kale guddoomiyayaal gobol ayaa iyaguna usoo dalacay heer Wasiir.

Isku shaandheyntan cusub ee golaha Wasiirada ayaa waxaa ku cusub Dr Axmed Maxamed Xuseen, oo loo magacaabey Wasiirka Xafiiska horumarinta xoolo-dhaqatada.

Sidoo kale Xafiisyada waaweyn ee iyaguna isku shaandheynta lagu sameeyay waxaa ka mid ah Xafiiska Nabadgalyada oo horey uu u joogay Mubashir Dubbad, waxaa hadda xafiiskan Wasiir looga dhigay Dayib Axmed nuur oo horey usoo maray Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha, Mubashir Dubad isaga waxaa hadda Wasiir looga dhigay Xafiiska Qorshaynta oo ah xafiis cusub.

Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka oo imbadan ay dul heehaabayeen cabashooyin ka imaanayay dhanka shacabka, ayaa hadda loo magacaabey Maxamed Cali Kunnay oo isagu horey u ahaa Guddoomiyaha gobolka daawa, halka Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Gaadiidka Malaw uu meesha ka baxay.

Cabdiraxmaan Ciid Daahir oo isagu horey u ahaa Wasiirka Xafiiska horumarinta magaalooyinka ayaa maalmo ka hor xilka laga qaaday, iyadoo wararkuna sheegayaan in loo dalacsiiyay heer federal.

Isku shaandheyntan ayaa kusoo hagaagaysa iyadoo horey uu Madaxweyne Mustafe cagjar uu qiimeyn ku sameeyay xafiisyada heer degaan, jawaabtii qiimeyntaas kasoo baxdayna ay daba xigtay magacaabistan cusub.

Isku shaandheyntan waxaa ku baxay Wasiiro uu kamid ahaa Wasiirkii Ganacsiga iyo Gaadiidka Malaw Ibraahim, iyadoo xafiiska ay cabasho badan ka jirtay cabashadaa oo ahayd mid ka imaanaysay dhinaca sicir bararka maciishada daruuriga ah, iyo waliba dhanka Shidaalka iyo jaangoynta qiimaha lagu raaco gaadiidka magaalada dhexdeeda u kala goosha oo dhibaato badan ay ka jirtay.

Ilaa sagaal Xafiis ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay, sidoo kale ku xigeennadii xafiisyadaas ayaa iyaguna la magacaabey.

SHARE

LEAVE A REPLY