Madaxweyne hal maalin kaliya $10,700 oo doolar ku iibsaday Rooti

0

Xafiiska Madaxweynaha cusub ee Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa soo bandhigay arrin fajac dhalisay oo ah in Madaxweynihii ka horreeyay ee Jair Bolsonaro si xad dhaaf ah waqtigiisa loo isticmaalay lacagaha Dowladda loo qorsheeyay.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in maalin qura la adeegsaday $10,700 (Toban kun & todobo boqol oo Doollar) oo maqaaxi looga cunay Rooti, taasi waxa ay dhalisay shaki xooggan maadaama lacagta intaas la eg aanay yareyn in lagu cuno Rooti.

Inta ay baaristu socotay waxaa kale oo la arkay in maalin qura $1,600 (Kun iyo Boqol Doollar) oo lagu iibsaday Jalaato (Ice Cream), tani waxa ay sii xoojisay dhakafaarkii taagnaa ee ka dhashay lacagta Rootiga halka maalin lagu cunay.

Muddada 4ta sano ee Madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro joogay Madaxtooyada waxaa kaarka loogu talagalay in wax loogu iibiyo ku baxay lacag $5 Milyan oo dollar oo ah hab aad loola yaabay markii la arkay.

In ka badan $21,000 (Labaatan & kow kun oo dollar) ayaa looga cunteeyay Maqaaxi, arrintaan waxa ay meesha ka saareysa warar dhowr jeer uu sheegay Madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro oo ah in aanay xitaa hal senti ka isticmaalin Kaarka Dowladda.

Dabagal lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro ayaa lagu ogaaday in fasaxa sanadihii 2019, 2020 & 2021 uu ku kharash gareeyay adduun lacageed dhan $235,000 (Labo boqol, soddon & shan kun oo Doollar).

SHARE

LEAVE A REPLY