Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay loolanka mucaaradkiisa

0

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Olole xooggan kawada deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan uu ka qabo in Dadka codeynaya ay markale ugu codeeyaan in uu Madaxweyne noqdo.

Deni ayaa tilmaamay in waqtigaan casriga ah aanay been loo sheegi Karin dadka maadaama qof weliba uu khudbadaha ku duubanayo telefoonnada gacanta ah oo ay heystaan, waxa uu soo jeediyay in codkooda ay ku hubsadaan qofka ay u arkaan dadku in uu wax u qabanayo.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa shaaciyay in Gobollada iyo Degmooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland ay horumar sameeyeen loona baahan yahay in laga sii hormariyo meelaha ay joogaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Ururrada la tartamaya ee culeyska ku haya urur siyaasadeedka uu katirsan yahay ee KAAH ayuu Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku tilmaamay in ay soo dhaweynayaan maadaama loolankooda uu ku dhiirragelinayo wax u qabashada Bulshada.

“Waxa aan rabaa in aan si gaar ah ugu mahadcelinayo Ururrada 7da ah ee loolanka adag nagula jiro, waa horumar mana ahan dib u dhac waayo waxa aan ku tartameynaa in shacabka lagu dhaho innaga ayaa idinka fiican iyo annaga ayaa idinka fiican” ayuu yiri MW DG Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni marnaba sooma hadal qaadin muranka siyaasadeed ee Ururrada Siyaasadda DG Puntland ay ka keeneen qaabka loo wado Doorashooyinka Dadweyne ee Dowlad-Goboleedkaas.

SHARE

LEAVE A REPLY