Madaxweynaha Uganda oo shaqadii ka ceyriyay wiil uu dhalay oo ku hanjabay inuu qabsanayo Nairobi

0

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa wiilkiisa ka ceyriyay taliyaha ciidamada lugta ee dalkaas, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray hanjabaad uu ku sheegay inuu ku qabsanayo caasimadda dalka Kenya, taasoo walaac ballaaran ku beertay bariga Afrika.

Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa bilihii la soo dhaafay caro ka dhex dhaliyay qaar ka mid ah dadka reer Uganda oo u arka hadalada uu kusoo qoro tweet-giisa kuwo wax kicinaya mararka qaarna khatar ah.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku taageerayo fallaagada Tigrayga ee dagaalka kula jirta ciidamada federaalka Itoobiya, wuxuuna taageero u muujiyay fallaagada rabshadaha ka wada bariga Congo. Waxa uu sheegay in dhammaan Afrikaanka ay ku taageereen Ruushka dagaalka uu ka wado Ukraine.

“Aniga iyo ciidankaygaba naguma qaadan lahayn, laba toddobaad inaan qabsanno Nairobi,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka Isniintii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo talada la wareegay bishii hore, ayaa saaxiib la ah madaxweyne Museveni, oo uu ku tilmaamay “Aabaha” gobolka intii lagu jiray xafladdiisii caleema saarka.

Qoraallada Kainerugaba ayaa ka careysiiyay dad badan oo Kenyan ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda ayaa meesha ka saartay qoraallada Kainerugaba ee twitter-ka.

Inkastoo laga eryay madaxii ciidamada lugta ee Uganda, Kainerugaba ayaa weli loo dalacsiiyay jeneraal shan xidigle ah, waxaana uu sii ahaan doonaa la taliyaha militariga aabihiis, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray militarigu. Waxaa lagu bedelay taliyaha ciidanka lugta Lt Gen Kayanja Muhanga.

SHARE

LEAVE A REPLY