Madaxweynaha Turkiga oo wacad ku maray in Swedan ka mid noqon doonin Nato

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in uu Dalka Sweden ka hor istaagayo ku biirista Isbaheysiga NATO oo codkooda keliya uga dhiman haddii ay helaan in uu dalkaas xubin ka noqdo isbaheysigaas.

Sababta uu Erdogan ugu diiday in codkiisa uu siiyo Sweden xilli dhowr jeer shuruudo kala duwan uu hordhigay ayuu ku sheegay in waddankaas uu raalli ka noqday in la gubo Kitaabka Qur’aanka kariimka, martigelinta waxa uu ugu yeeray Argagixisada & Islaam Naceybka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa si cad ugu sheegay Sweden in ay maskaxda ka saarto riyada ay ku jirto oo ah in ay xubin ka noqoto isbaheysiga NATO oo muddo dheer dhabbe weliba usoo mareysay balse socodkoodii ku go’ay tallaabooyin fool-xun oo ay qaadday.

“Sweden waa in aysan marnaba filan in Turkiga uu ku taageero ku biirista Isbaheysiga NATO, kuwa ogolaaday caayda iyo xad-gudubka lagu sameeyay safaaraddeena marnaba nagama sugayaan taageeradeena” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo khudbad jeediyay.

Xukuumadda Ankara ayaa baajisay safar Wasiirka Gaashaandhigga Sweden uu ku tegi rabay Turkiga si uu ugala hadlo qaabka ugu fudud ee looga qaadi karo xayiraadda dalkiisa kahor taagan kamid noqoshada Isbaheysiga NATO.

Turkiga ayaa heysta awood ah in waddanka ku biiraya Isbaheysiga NATO uu heysto dhammaan codadka dalalka xubnaha ka ah, haddii dal kamid ah uu u diido laguma biirin karo isbaheysigaan illaa uu kasoo qanciyo sida ku xusan xeerka uu ku shaqeeyo isbaheysiga NATO.

SHARE

LEAVE A REPLY