Madaxweynaha Soomaaliya oo Suudaan kala hadlay ciribtirka Al-shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan si uu ugu sii gudbo dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Khartuum kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga la xiriira dhanka amniga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab uu ka qeyb-galayo Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda dalka Aljeeriya uga qeyb galeyso Shir madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta.

Warar ay qarbaahinta heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu uga sii gudbi doono markii uu dalka Aljeeria uga qeyb galo shirka dalka Masar, si uu madaxda dalkaas ugala hadlo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY