Madaxweynaha Soomaaliya oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiiradda

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo uu wehelinayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kasoo lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaanada laga xoreeyay Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab, isagoona sheegay dowladda ay gurmad deg deg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey Al-shabaab, islamarkaana faray dhamaan Wasaaradaha in ay masuuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga u ah bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaallanka Al-shabaab oo caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah Shabaab iyo sidii looga xoreyn lahaa deegaanada gacantooda ku jira.

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaliya ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxuuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaanada ay haystaan Ururka Al-shabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado goobaha ay ka taliyaan.

SHARE

LEAVE A REPLY