Madaxweynaha Soomaaliya oo markale fariin xasaasi ah u diray shacabka Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed, waxa uuna halyeygani u shahiiday isagoo haya jidkaas sharafta badan.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argagixisada Alshabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

SHARE

LEAVE A REPLY