Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u ambabaxay furimaha dagaalada ka dhanka ah Shabaab

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw oo Maanta ah safar kormeer ah ugu ambabaxay deegaanada ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah al-shabaab.

Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xariiro u kuurgalida xaalada furimaha dagaalada ka socdaan iyo deegaanadii dhawaan laga saaray kooxda Shabaab, isagoona sidoo kale Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada dhageysan doono warbixino ku saabsan guulaha laga gaaray Al-shabaab iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kormeerkiisa furimaha dagaalka ku tagi doono deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha iyo Galgaduud, waxaana soo dhaweyn heerkeedu sareeyo oo madaxweynaha lagu soo dhaweynayo saakay laga dareemaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee laga abaabulo dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

“Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada, isagoo ku bogaadinaya sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan argagixisada. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in kulamadiisa inta badan ay ahaan doonaan kuwo uu ku bogaadinaayo Saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda oo dagaalo qaraar kala hortagay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku aaday qaar ka mid ah deeganada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo todobaadkii lasoo dhaafay uu hakad galay howlgaladii ka socday Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, taasoo ay dadka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay walaac xoogan ka muujiyeen sababaha keenay inuu hakad galo howlgalada ka dhanka ah shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY