Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta tagaya furimaha dagaalada ka socdaan

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in uu tago deegaanno katirsan Gobollada Hiiraan & Galgaduud.

Ilo ku dhaw Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay safarka ku wehliyaan si looga hadlo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah AS.

Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ugu weyn ee uu Madxweynaha Jamhhuriyadda cagta-marinayo, waxaa degmadaas ku sugan mas’uuliyiin iyo Dadka kale oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay howlgallada wadajirka ah ay isaga kaashanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Dhuusamareeb iyo Jowhar oo ah Xarumaha Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle waxaa ka socda abaabul & qaban-qaabo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyadaas ay kusoo dhaweynayaan wafdiga MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

SHARE

LEAVE A REPLY