Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay dhigiisa dalka Uganda

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalkaa Uganda ayaa Maanta kulan la qaatay dhigiisa dalkaas Yoweri Kaguta Museveni, iyagoona ka wada hadlay xasiloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Madaxweyne Museveni halganka wadajirka ah oo ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan sidii la isaga dulqaadi lahaa Ururka Al-shabaab oo uu tilmaamay iney caqabad ku yihiin horumarka iyo xasilloonida dhamaan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay aheyd, waxuuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa dhankiisa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah oo ay ka gaartay dagaalada ka dhanka Al-shabaab iyo deegaanada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa ee ku aadan nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoona uga mahadceliyey Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ka qeyb galitaanka xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxuuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka ahaa dalka Uganda.

SHARE

LEAVE A REPLY