Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan Baydhabo

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo maamulka Koonfur Galbeed u ah Caasimad ku meel gaarka ah.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegaya inuu la xariiro furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu wado inuu dhawaan ka furmo gudaha magaalada Baydhabo.

Amaanka magaalada Baydbabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda uu halkaasi gaaro madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Baydhabo waxaa haatan ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo shalay galinkii dambe halkaasi gaaray.

Shirka dib u heshiisinta Koonfur Galbeed oo uu horay u iclaamiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan muranka hareeyay doorashada ku soo socota maamulkaas ee u dhaxeysa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Midowga Musharaxiinta maamulkaas.

Safarkaan lagu wado inuu Maanta ku tago Baydhabo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya kiisii labaad oo uu ku tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay mudada kooban uu haatan Xafiiska joogo.

SHARE

LEAVE A REPLY