Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah Xalay la qaatay Dhaxal sugaha Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya, ahna Raysal wasaaraha dalkaas Amiir Salmaan Bin Maxamed.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudga ayaa kulankooda kaga wada hadlay xiriirka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa balan qaaday in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada dhanka amniga iyo Abaaraha soo noqnoqday ee ka jira Soomaaliya.

Kulankaan uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehlinaayay masuuliyiinta kala ah Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, Danjirayaasha Soomaaliya u jooga dalalka Sacuudiga iyo Masar, Saalim Macow Xaaji, Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqasho ku tagay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta, isagoona kulamo kala duwan kula qaatay qaar ka mid ah Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta.

SHARE

LEAVE A REPLY