Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaadan doona xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka

0

Xoghayaha Difaaca dalka Mareykanka Lloyd Austin ayaa soo dhaweyn doona Madaxweynaha Soomaaliya Hassan sheikh Mohamud oo u safray dalka Maraykanka, si uu uga qeyb galo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha difaaca Maraykanka ay wada qaadan doonana kulanka labada geesood ah.

Wasaaradda gaashaanshigga oo war kooban soo saartay waxay sheegtay in Kulankaan uu yahay  mid lagu xoojinayo xidhiidhka labo geesoodka ah ee labada dal.

Maraykanka ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya ka taageeera dhinaca amniga iyo la dagaalanka Alshabaab.

Wuxuu hadda qorsheynayaa inuu ballaariyo joogitaankiisa Soomaaliya iyadoo la filayo inuu ciidamo dheeraad ah usoo diro dalka Soomaaliya.

Dhowaan Maraykanka ayaa dib usoo cusboonaysiiyay howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY