Madaxweynaha Soomaaliya marnaba ma aqbali doono gooni isku taaga Somaliland

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa si qota dheer uga hadlay arrinta Somaliland iyo sida laga yeelayo gooni isku taagga maamulka Somaliland oo sheegta inay go’een Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Xasan oo khudbad uu u jeedinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Washington ee dalkaasi Mareykanka waxuu k sheegay marka in siyaasadda Somaliland ay dowladda Soomaaliya ku dhaqmeyso ay tahay mid aan Colaad iyo faragelin laheyn.
Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in marnaba aysan dowladda Federaalka Soomaaliya aqbaleynin in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale qaab kasta oo ay arrintaas ku timaado, isla markaana Somaliland ay walaalo la yihiin dowladda Federaalka.
“Annaga gooni isku taag nooc walba oo uu noqdo ma aqbaleyno, qaab kasta oo uu ku yimaado haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, si cad ayaan u sheegeynaa ma ogolaan doono” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham, ayna xitaa u ogol yihiin inay iyaga soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska.
Gabagabadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maamulka Somaliland uga baaqay inay iska iloobaan fikradda gooni isku taagga oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceyso midnimada iyo wadajirka Soomaalinimada.
SHARE

LEAVE A REPLY