Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Masar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimilada  Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa magaalada kaga sii horreeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefti uu hoggaaminayo kuwaasi oo horay ugu suganaa magaalada Sharma Sheikh kana qeyb galaya shirka deegaanka iyo isbedelka cimilada (COP27).
Shirkan oo sannadle ah ayaa lagaga hadlayaa Arrimaha deegaanka iyo Isbedelka cimilada, waxaa si rasmi ah uu u furmi doonaa maanta

SHARE

LEAVE A REPLY