Madaxweynaha Somaliland oo war kasoo saaray Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland

0

Xukuumada Somaliland, ayaa soo dhawasay eragayga dowlada Soomaaliya u magacowday wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay kulan uu la yeeshay culimada Somaliland, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud u magacaabay ergayga wada-hadalada.

“Shalay waa tii la magacaabay ergay, arrintaana waxaanu u aragnaa talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, ninkaa loo magacaabayna waa nin aqoon badan u leh siyaasada dalalka oo anagu waa soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Wahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa istaagay kadib markii guulo la taaban karo laga gaadhi waayay wadahadalo mudo soo taxnaa.

Somaliland ayaa dowladii hore ee Farmaajo ku eedaysay in ay ka baxday dhamaan heshiisyadii ay hore u wada galeen labada dhinac, isaga oo madaxweyne Biixi dhawaan sheegay in anay dib uga qayb galayn ilaa oo la fuliyo heshiisyadii hore.

Soo dhawynta Somaliland ee ergayga ee Guuleed, ayaa muujinaysa suurtagalnimada in wadahadaladu ay dhawaan dib u bilowdaan.

SHARE

LEAVE A REPLY