Madaxweynaha Puntland oo xilka qaadis ku sameeyay xubnahii ugu muhiimsana wasiiraddiisa

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa isku beddel iyo magacaabid cusub ku sameeyey golihiisa wasiiradda.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa xilkii waxaa looga qaaday wasiirkii Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, waxaana booskaas loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo horey u joogey Wasaaradda arrimaha gudaha, iyadoo xilka Wasaaradda arrimaha gudaha, Fedaraalka iyo Dimuquraadoyada loo magacaabey Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo horey u soo noqday Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale xilkii wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Diinta laga qaadey Cawil Sheekh Xaamud, kaaso booskiisa loo magacaabay Maxamed Siciid Faroole, inkastoo laga beddalay wasaaradda waxaana loo badelay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

Wareegtada madaxweynaha Puntland waxaa sidoo kale xilkii looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Qoorsheynta Jamaal Carab Yusuf, waxaana xilka Wasaaraddaasi loo magacaabay Maxamed Cabdiwahaab oo loo badelay wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Diinta

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil Sheikh Aduun oo ah rug cadaa Saxafadeed ah, horayna uga soo mid noqday Xukuumadda Cabdiwali Gaas.

SHARE

LEAVE A REPLY