Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay xaalada Laascaanood

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa war qoraal ah oo uu kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood, wuxuu Somaliland ku eedeeyay inay weerar bahalnimo ah ka geysatay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay laayeen dad aan waxba galabsan, kuwaas oo usoo baxay keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood.

“Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo haddana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto,” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni waxa uu bogaadiyay shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey sida uu sheegay dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Wuxuu u sheegay shacabka reer Laascaanood inay Puntland marwalba barbar taagan tahay, lana qaybsanayaan dhibka.

“Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa raaciyay Deni.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa yimid, xilli xalay Puntland ay ciidamo u dirtay magaalada Laascaanood, ciidamadaas oo la sheegay inay garab siinayaan shacabka mudaharaadaya.

Waa markii ugu horreysay mudaharaad caynkaan ah uu ka dhaco magaalada Laascaanood, oo 15 sano kahor ay Somaliland ka qabsatay Puntland.

Mudaharaadka oo socday dhowr maalmood ayaa sababay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood gudaheeda iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Sool, sababa la xiriira kacdoonka bulshadu ay sameysay.

SHARE

LEAVE A REPLY