Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay la kulanka Odinka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu diyaar u yahay la kulanka hoggaamiyaha mucaaradka ahna musharrixii uu uga adkaaday doorashadii ka dhacday dalkaas ee Raila Odinga.

Ruto ayaa albaabada wadahadalka u furay dhiggiisa Odinga isaga oo sheegay in bilaa shuruud uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto lana hadlo si ay meel isla dhigaan tabashooyinka uu ka qabo xukuumaddiisa waa sida uu hadalka u dhigay.

“Xilli kasta diyaar ayaan u ahay in aan fool ka fool ula kulmo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, sida aad adiguba ogtahay waxa aan diyaar u ahay in aan la kulmo isaga oo kala xaajoodo tabashooyinka jira” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa si cad u sheegay in aanay qabsoomi Karin dibadbaxa Mucaaradka uu dhowr jeer ku baaqay isla markaana qabtay maalmo kala duwan, wixii tabasho ah ayuu tilmaamay in diyaar loola yahay in lagala hadlo.

Waxaa horay u burburay wadahadal siyaasadeed oo laga dhex waday madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas ahna hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga kaddib markii la isku mari waayay qodobada qaar.

SHARE

LEAVE A REPLY