Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta kormeer ku tagay deegaanadii laga saaray Al-shabaab

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Dabab iyo Gorgor ayaa Maanta Ururka Al-shabaab kala wareegay deegaanka Cali Afrax oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Deegaanka Cali Afrax ayaa qiyaas ahaan 18KM u jira magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxa uuna u dhaxeeya deegaanada kala ah Budbud iyo Towfiiq ee gobolkaasi Galgaduud.

Maxamed Macalin Abuukar Xasan oo loo yaqaano Shaarib oo ah Taliyaha Ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor oo ka mid ahaa saraakiisha hoggaamineysay ciidamada Maanta la wareegay deegaanka Cali Afrax ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda Al-shabaab ay isaga carareen deegaankan, islamarkaana ciidamada dowladda aysan kala kulmin la wareegista deeegaankan wax iaka caabin ah.

Taliye Shaarib ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xoogga dalka ay sii wadayaan howlgalada ay kula wareegayaan deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud iyo guud ahaan dalka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa haatan ka bilaabay deegaano iyo degmooyin ka mid ah gobolada dalka wajiga labaad ee howlgalada la doonayo in Al-shabaab looga saaro guud ahaan dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY