Madaxdii farabadan oo Maanta ku qulquleysa dalka Turkiga

0

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in caleema-saarka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo maanta ka dhaceysa Cankaya Palaca ay ka qaybgalayaan madax ka kala socota 78 Waddan oo dhammaantood xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Dalkaas.

Madaxdaan ayaa isugu jirto 21 Madaxweyneyaal iyo mas’uuliyiin miisaankooda uu la eg yahay heer Madaxtooyo, halka 13 Ra’iisul Wasaare iyo xubno heerkoodu ku dhaw yahay ay joogaan Dalka Turkiga si ay caleema-saarka qayb uga noqdaan.

Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in dhammaan ka qaybgalayaasha madaxda ah ee caleema-saarka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay yihiin dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka OIC, Isbaheysiga NATO & ururro kale.

Waxaa la diyaariyay jadwalka iyo hab maamuuska madaxda khudbadaha dhiirragelinta ah ka jeedin doonta caleema-saarka Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo qaadanaya muddo xileedkiisii ugu dambeeyay ee dastuuriga ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa mid mid ula kulmi doonna maanta Madaxda caleema-saarkiisa u tagtay Turkiga si mahadcelin iyo bogaadin kaddib ay isaga xog-wareystaan xoojinta cilaaqaadka ay wadaagaan.

Erdogan ayaa doorashada wareegga labaad loo baahday in lagu kala baxo cod dheerida (waa in ka badan 50% ka helay 52.18% halka musharraxa dhanka mucaaradka ka socday ee Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.82% sidaasna looga adkaaday hoggaamiyaan.

La soco wixii kasoo kordha.

SHARE

LEAVE A REPLY