Madaxda dalka oo ka qeyb gashay aas qaran oo maanta loo sameeyay Marxuum Cismaan Jeelle

0

Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Allah u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa xubinihii Golaha Sare ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Janaasada ku Tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee dalka uu madaxweynaha ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Marxuumka uu door weyn ka soo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, islamarkaana uu soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne mudadii ay jirtay dowladdii dhexe ee dalka.

Salaada Janaasada ee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid ahayeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Raysal Wasaaraha Xukuumadda, ku xigeenkiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanada labada Gole iyo masuuliyiin kale oo heer dowlad goboleed ah.

Gabagabadii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasada waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku wada kulmeen goobtii marxuumka lagula Tukaday janaasada, wuxuuna Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso Eebe ku arsaaqo.

SHARE

LEAVE A REPLY