Madaxa ugu sarreeya UNHCR oo Muqdisho u yimid qorshe lagu hormarinayo Qaxootiga & Barakacayaasha.

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hay’adda qaxootiga Adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Filippo Grandi ayaa lagu wadaa inta uu joogo magaalada Muqdisho inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha ee ku sugan Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballan qaadday meel marinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023, qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023, hirgellinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024 iyo la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta” ayaa lagu yiri qoraal lagu kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo lagu daabacay boggeeda Facebook.

Socdaalka uu Maanta ku yimid magaalada Muqdisho madaxa UNHCR Grandi ayaa kusoo beegmeysa todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ay ku kulmeen wadanka Switzerland, iyaga oo isla meel dhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya waxaa wali ka taagan inteeda badan xaalado Bani’aadanimo oo ka dhashay abaaro daran oo ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya, taasoo ay sii dheer tahay roob la’aan iyo dagaalo ka socda gobolada qaar, sida Hiiraan, Galgaduud, Sh/dhexe iyo Bakool, taasoo xaalada sii adkeyneysa.

SHARE

LEAVE A REPLY