Macwiisleeyda Xawaadle oo weerar gaadmo ku laysay Al-shabaab

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Mabaax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka oo la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilaawday kadib markii ciidanka dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Mabaax oo u dhaxeeya degmooyinka Maqokori iyo Aadan yabaal ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil u hadashay ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen deegaanka Mabaax, kuwaas oo sheegay in weerarka ay ku dileen 20 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxay sheegeen in weerarka saakay ay ku burburiyeen Saldhigii ugu weynaa Kooxda Shabaab ay ku lahayeen deegaanka Mabaax oo ay sheegeen iney kooxda kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ka geystaan deegaanada hoostaga Moqokori iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa mudo ku dhaw 6 bilood ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey oo mararka qaar garab ka hela ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana dagaaladaasi Al-shabaab looga saaray inta badan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY