Macawiileeyda Xawaadle oo Maanta cashar u dhigtay Al-shabaab

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duhurnimadii Maanta ka dhacay deegaanka Dhagaxyo weyn oo dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ilaa 16 KM ayaa halkaasi ku dhexmaray ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo ka talaabay Wabiga Shabeelle ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Dhagaxyo weyn oo dhaca Galbeedka Baledweyne.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ahaa mid aad u xoogan oo socday ku dhawaad hal saac oo xiriir, waxaana wararka hordhaca ah ee an halkaasi ka helnay ay sheegayaan in dagaalkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux oo afar ka mid ah yihiin dad shacab ah, halka lixda ruux ee kale ay yihiin labada dhinac ee dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ee Shabakada HOL heleyso ayaa sheegaya in ciidamadii Macawiisleeyda ee weerarka Maanta uga gudbay Wabiga Shabeelle iney dib ugu laabteen dhanka beri oo aheys halka markii hore ay uga talabeen Wabiga Shabeelle dhanka Galbeed.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey weerar ahaan uga talaabaan dhanka Galbeed Wabiga Shabeelle oo ay fariiso ku leeyihiin kooxda Shabaab, iyadoo weerarka noocaan ee ah in Wabiga laga soo gudbo ay caan ku aheyd kooxda Shabaab oo inta ay wabiga kasoo talaabaan weeraro iyo afduub dadweyne ka geysaneysay deegaanada ku yaala Bariga Hiiraan.

Shalay ayay aheyd markii xubno ka tirsan kooxda Shabaab oo kasoo talaabtay wabiga Shabeelle ay deegaanada Camalow, Helabacaad iyo Sugoow oo ku yaala bariga Koonfureed ee Baledweyne ay ka afduubteen dad shacab ahaa oo beeraleey iyo xoolo dhaqato isugu jiray oo kasoo jeeday Beesha Xawaadle.

SHARE

LEAVE A REPLY