Maamulka Soomaaliland oo xoog ku galay xarumaha Isgaarsiinta magaalada Laascaanood

0

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa wali waxa ay tahay mid kacsan, iyadoo shacabka ay wafaan banaannaxyada ka dhanka ah maamulka Somaliland, waxeyna ciidamadda rasaas nool nool u adeegsanayaan dadka dareenkooda cabiraya.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyana shirkaddaha isgaarsiinta ku qasabtay in ay hawada ka saaraan Adeegga Internetka ee magaalada Laascaanood, iyadoo ciidamo millatari ah ay la wareegeen xaruumihii shirkaddaha Telesom iyo Golis ee magaalafa.

Xukuumadda oo horey warqad amar ah ugu qortay shirkaddaha in ay Internetka hawada ka saaraan, ayaa ugu dambeyn maanta adeegsatay awood ciidan, iyadoo xabsiga loo taxaabey maamulihii shirkadda Telesom ee gobolka Sool.

Balse waxaa si caadi u shaqeynaya adeegyadii kale ee is gaadhsiinta, sida; Wicitaannada Telefoonnada iyo Lacagaha Electronicska ah.

SHARE

LEAVE A REPLY