Lataliyaha amniga qaranka Dowladda Soomaaliya ciribtirka Shabaab waa mid ka go’an

0

Shalay waxay ku beegnayd sannad-guuradii shanaad ee ka soo wareegtay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Geeska Afrika, kaasoo ahaa qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Isgoyska mashquulka badan ee Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof, ku dhawaad 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sanad guurada shanaad ee ka soo wareegatay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee Soobe ayaa ku soo beegmay iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay si weyn guul uga gaareen howlgaladii ugu dambeeyay ee gobolka Hiiraan.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in sanad guuradan ay kusoo aaday, iyadoo dowladdu ay ka go’an tahay inay ka adkaanayso al-Shabaab iyo fikirkooda.

“Dareenka sanadguuradaan ma aha mid rajo xumo iyo xanuun laakiin waa iska caabbin iyo u adkeysi. Waan ka adkaan doonnaa al-Shabaab iyo fikirka argaggixisada, “ayuu yidhi la taliyaha amniga Qaranka, Xuseen Sheikh Cali.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanado badan la daalaa dhaceysay khataraha dhanka ammaanka ee kaga imaanaya kooxda Al-Shabaab, taasoo ah carqalada ugu weyn ee hortaagan inuu xasilo amniga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY