Laba dagaalame oo ka tirsan Shabaab oo hab cajiib badan loogu dilay Deynuunaay

0

Ciidamadda xoogga dalka ayaa toogtay laba Shabaab ah oo ay ku hayeen xabsi ku yaala deegaabka Deynuunaay oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo.

Labadan Shabaabka ah ee la dilay waxa ay kooxda u qaabilsanaayeen uruurinta zakaawaat-ka (maaliyadda), waxaana lagu soo qabtay hawlgal ay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen deegaanka Mooda-moode oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Toogashada raggan ayaa timid kadib markii Shabaab ay shalay weerar culus ku qaadeen deegaanka Deynuunaay oo eheyd halka lagu hayay labadan qof, weerarka oo ahaa mid culus ayey saraakiisha ciidamadda go’aamiyeen in labadan Shabaabka ah la toogto, si hadii kooxda Shabaab ee weerarka soo qaaday ay u qabsato deegaanka aaney raggan gacantooda dib ugu laaban.
Ilo muhiim ah ayaa inoo sheegay in labadan Shabaabka ah la dilay, walow kooxda Shabaab aaney u suura galin iney deegaanka qabsadaan kadib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamaddii halkaasi ku sugnaa, laba askari ayaa la sheegay iney Shabaab ku dileen weerarkan.

SHARE

LEAVE A REPLY