Laba baabuur oo qaraxyo oo la burburiyay

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa macaawisleyda ayaa burburiyay labo gaari oo la sheegay inay Alshabaab qaraxyo kasoo buuxiyeen.

Ciidamada ayaa howlgalkaan ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe, waxayna saraakiisha ciidamadu sheegeen in Alshabaab ay qorsheynayeen inay weeraro ka fuliyaan gobolka Shabeelada dhexe.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay Alshabaab uga daba tageen duurka, iyagoo sheegay gawaari shacabka laga dhacay in Shabaabku u adeegsanaysay qaraxyo dadka lagu dhibaateeyo.

Waxay ciidamadu sheegeen in qaraxyadan la doonayay in lala beegsado meelaha ay dadka shacabka ah ku sugan yihiin. Iyagoo sheegay inay ku guulaysteen inay uga daba tagaan goobihii lagu diyaarinayay labada gaari ee qaraxyada lagu xiray.

Dhawaan ayay ahayd markii Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen farriisin ciidamada dowladdu ku lahaayeen deegaanka Hilowle Gaab, halkaas oo ay ku dileen ciidamo iyo saraakiil dhowr ah.

Maalmo kadib ayay Alshabaab soo bandhigeen gaadiid dagaal iyo hub ay ku furteen saldhigga ay weerareen.

SHARE

LEAVE A REPLY