Kusimaha madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kaga dhawaaqay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool dagaal ka dhan ah Ururka Al-shabaab.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka Shabaab, isagoo ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah oo heerkeedu sareeyo oo loogu sameeyay degmada Xudur ee gobolka Bakool, isagoona ugu baaqay dadka ku nool deegaanada gobolka Bakool iney dhexda u xirtaan sidii ay qayb qaadan lahaayeen gulufka dagaal ee looga soo horjeedo kooxda Al-shabaab oo la joogo waqtigii dadka ku nool deegaanada Bakool ay iska dulqaadi lahayeen Ururka Shabaab ee go’doomiyay degmooyin ka tirsan gobolkaas isu socodkiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kalee tilmaamay in ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka in iskaashigooda uu fududeynayo in ay qabsadaan goobaha ay ku sugan yihiin Ururka Al-shabaab, isagoo tusaale ugu soo qaatay howlgalada ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka iska kaashadeen oo ay kula wareegeen deegaano badan oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gabagabadii guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xaaladaha adag ee dhanka nolosha ah laga bixi karo marka Shacabka ay iska dul qaadaan go’doonka kooxda Shabaab ay galisay.

SHARE

LEAVE A REPLY