Kulankii Golaha shacabka oo baaqday iyo guddoomiye Aadan Madoobe oo amar soo saaray

0

Kulanka maanta ay lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, iyada oo Guddoomiyaha Golaha Sheekh Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo sheegay in fadhiga maanta uu baaqday.

Fadhiga Golaha oo loo balansanaa ayaa waxaa soo xaadirin Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo xarunta Villa Hargeysa ee soo xaadirtay tiro Xildhibaanno ah, kuwaas oo aan buuxin kooramka kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in fadhiga maanta uu u baaqday kooram la’aan, sidoo kale waxa uu amray Xildhibaannada ku maqan shaqada in ay yimaadaan xarunta Golaha.

“Xildhibaannada sharafta leh ee maanta waqtigooda yimid kooram la’aan daraateed ayaan shirka dib ugu dhiganeenaa, fadhigeena maanta waa uu innoo xiran yahay, waxa aan rajeeneynaa maalmaha soo socda in uu kooramka noo buuxsama, Xildhibaannada shaqada ku maqan in fadhigaan fadhiga ku xiga ay na soo gaaraan,” sida uu yiri Guddoomiyaa Golaha Shacab Sheekh Aadan Madoobe.

Maahan markii ugu horreysay ee fadhiga caadiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u baaqdo kooram la’aan, iyada oo horay Guddoonka ay fareen Xildhibaannada ku maqan fasax la’aanta in ay soo xaadiraan kulanka, kagadaal markii golaah laga hor akhriyay magacyadooda.

SHARE

LEAVE A REPLY