Khabiir iska casilay Shrikadda Google oo ka digay halis cusub.

0

Saynisyahankaan ku takhasusay cilmiga farsamada casriga ah oo lagu naanayso Aabbaha Maskaxda Macmalka ah ayaa ka iska casilay shaqadii uu ka hayey shirkadda Google si uu uga hadlo khatarta soo kordhaysa ee dhanka tiknoolojiyadda casriga ah, sida ay shaacaisay Warbaahinta dalka Mareykanka.

Geoffrey Hinton oo ka mid ahaa, raggii seeska u dhigay maskaxda macmalka ah ee ay isticmaalaan Computer-adu “Artificial Intelligence” ayaa u sheegay wargeyska New York Times, in horumarka laga sameeyey farsamada casriga ahi, inayhalis ku tahay nolosha bulshada iyo aadanahaba.

“Bal eega sida ay ahayd shan sano ka hor, iyo sida ay haatan tahay” ayuu ku sheegay, qoraal lagu daabacay Wargeyska maalinimadii Isniinta ee lasoo dhaafay, bal eega farqiga iyo xawaaraha ay korodhay waa arrin cabsi leh”

Hinton ayaa sheegay in tartanka u dhexeeya shirkadaha tekloojiyaddu inay keenayaan in shirkaduhu ay sii daayaan tiknoolajiyado cusub oo ku salaysan maskaxda macmalka ah oo cusub, taas oo ku socota xawaare aad u halis badan, waxaana arrintaasi ay halis gelinaysaa shaqooyinkii, iyo weliba in wararka aan saxda ahayni ay si fudud u faafi karaan.

Talaabadaan uu ku dhawaaqay Saynisyahaanka ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo dunida si aad ah ugu kordhayaan isticmaalka adeegsiga Teknoolajiyadda Casriga ah.

SHARE

LEAVE A REPLY