Jubbaland oo toogasho ku fulisay laba nin oo horay u dilay dad shacab ah

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku fulisay labo dambiile oo hore si ula kac u gaystay dil.

Gacan ku dhiigle Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo gacan ku dhiigle Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bareer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan ayey maxkamaddu maanta goob joog u ahayd fulinta xukunkii dilka ahaa oo looga qisaasayay dilkii ay hore u gaysteen.

Gacan ku dhiiglayaashan sida bareerka ah u dilay muwaadiniinta ayaa ahaa dabley ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Jubbaland.

Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay umaddana ay ku kala nabad galeyso, waxaa uuna sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dil bareer ah gaysto sida ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisaasta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala nabad gasho dilka sharci darrada ahna uu ooga yaraado.

SHARE

LEAVE A REPLY