Jubbaland oo ku dhawaaqday la wareegista deegaanada ka maqan

0

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ku aadan qorshaha labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.

Saacadahii lasoo dhaafay waxaa degmada Afmadoow la dajiyay ciidamo farabadan oo laga qaaday degmada Dhoobleey, kuwaas oo ka mid noqonaya howlgalada Al-shabaab looga xureynayo magaalooyinka Jilib iyo Bu’aalle ee maamulka Jubbaland, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo hoggaaminaya qorshaha howlgalada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Jubbaland ay u diyaar garoowday la wareegista dwegaanada ka maqan oo ay ka taliso kooxda Al-shabaab.

“Howlgalkaan waxaan dooneyna in Shabaab isaga xureyno miyi iyo magaalo intaba, anaga dhan dhimasho ayaan ku ilaaheey ugu xukumanahay mar hadaan dhimaneyna intaa si xun u noolaan laheyn waa inaan si wanaagsan u noolaano oo aan iska dhicino cadawga Shabaab iskana xureyno” ayuu yiri Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal.

Si kastaba ha ahaatee howlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Jubbaland ay ka wadaan deegaanada maamulkaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali kooxda Al-shabaab ay awood badan ku leeedahay deegaanada maamulka Jubbaland, sida Jilib iyo Bu’aalle oo haatan Shabaab u ah Saldhigyadooda ugu waa weyn ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY