Jubbaland iyo Mareykanka oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-shabaab

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed maxamed Islaam Madoobe ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiir ku xigeenka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle.

Kulanka ayaa ahaa mid labada masuul ay kaga arrin sadeen xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo go’aanadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Safiir ku xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya Tim Trenkle ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay dardar galinta dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

Safiir ku xigeenka Safaarada Mareykanka ayaa dhankiisa balan qaaday in maamulka Jubbaland ay dowladda Mareykanka ka taageerayso howlgalada ay kula dagaalamayso kooxda Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageerada joogtada ah ka siiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeymaha dhinaca cirka ah ee lala eegto dagaalamayaasha kooxda Al-shabaaab.

SHARE

LEAVE A REPLY