Jenaraal Odawaa Yuusuf oo xilka qaadis lagu sameeyay

0

Taliyahii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta laga qaaday xilka, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo horay usoo noqday Taliyaha Guutada 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhiga ee ah magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddoow.

Jenaraal Odawaa Yuusuf Raagge ayaa xilka maanta laga qaaday soo haayay tan iyo sanadkii 2019, kaasoo ka mid ahaa masuuliyinta saaxiibada dhaw la ahaa madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahayeen madaxii hab maamuuska Madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta mudo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

SHARE

LEAVE A REPLY