Jenaraal Odawaa nama cabsi galin doonto dhimashada Taliyeyaasha ciidanka

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka socda Gobollada Dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka gungaarista Howlgalladaas.

Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in aysan ka gorgortamayn howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isaga oo Saraakiisha & Ciidamada Dowladda Federaalka u soo jeediyay in ay dhabar adeegaan.

Dhibaatooyinka ka dhasha dagaallada oo ay kamid yihiin in ay ku geeriyoodaan Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada & Askar Dowladda Federaalka ayuu ku sheegay in aanay saameyneen ujeedkooda.

“Argagixisada ugma tanaasuli doonno in Dadka Soomaaliyeed laga dul qaado, wax badan ayay isku dayayaan Laakiin Dadka Soomaaliyeed & Qaranka Soomaaliyeed midna cabsi gelin mayso, mar haddii aan dagaal ku jirno Dad badan oo qalbiyadeena ku wayn oo aan aad & aad u dareemi doonno ayaa naga dhimanaayo balse waxaa ka weyn yoolka aan u socono oo ah in Dadka Soomaaliyeed ay helaan Xorriyad & Nabad” Gen. Odawaa Yuusuf.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidamada Dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, Xildhibaanno & Shakhsiyaad kale ayaa hoggaaminaya howlgallada ka socda DG Hir-Shabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed & Deegaannada daafaha ka ah Magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY