Jabuuti oo noqotay dowladii ugu horeysay ee ka jawaabtay codsigii dowladda Soomaaliya

0

Dowladda Jabuuti ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa iney magaalada Muqdisho u soo dirto gargaar Caafimaad oo ay uga jawaabeyso codsigii dowladda Soomaaliya ee ku aadana in loo soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii is xigxigay ee ka dhacay Isgoyska Soobe 29-kii bishii lasoo dhaafay ee Oktober, gaar ahaan afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Raysal wasaaraha dalka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona si deg deg ah ku amray in wasaaradda Caafimaadka dalka Jabuuti kaalmo Caafimaad iyo koox dhaqaatiir ah u dirto Muqdisho.

“Diyaarad sidda Kooxda Caafimaadka & Agabka ay adeegsadayaan ayaa Arbacada 2da November gaareysa Magaalada Muqdisho si ay qayb uga qaataan daryeelka loo fidinayo Bukaannada ku dhaawacmay qaraxyadii Argagixiso ee Muqdisho ka dhacay, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay garab taagan tahay Walaalaha Soomaaliyeed, waxaa la qiimeyn doonnaa dadka dhaawacyada qaba si kuwa u baahan caafimaad dibadda ah loo keenno halkaan” Raysal wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Kadib qaraxyadii waa weyna ee khasaaraha badan ka geystay Muqdisho ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dowladda waxa uu cod dheer ku codsaday in gargaar Caafimaad oo deg deg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyedd ee ku dhaawacmay qaraxyada Soobe 2 si wax loogu qabto, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay inta la xaqiijiyay 110 ruux, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 300 oo ruux.

SHARE

LEAVE A REPLY