Jaamac Maxamed Cali “Walaalow musiibo ayaa ku dhacday Qoyskeygii intii salaadda subax lagu jiray”

0

Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo Shalay ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas loo adeegsaday laba baabuur oo noocoodu yahiin Saruf.

Tirada dhimashada qaraxyadaasi geysteen ayaa la xaqiijiyay iney gaartay 35 ruux oo isugu jira shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, halka dhaawacuna uu dhaafayo 50 ruux, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Taliye ku xigeenka Booliiska Hirshabeelle Xasan kaafi Maxamed Ibraahin.

Dadka ku dhintay qaraxyadaasi waxaa ka mid ahaa hal qoys oo ka koobnaa 10 ruux, waxaana ka badbaaday sadax ruux oo laba ka mid ah dhaawac yihiin, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Jaamac Maxamed Cali oo ah qofka qoyskiisa ka badbaaday, islamarkaana Hooyadiis iyo Aabihiis ay ku jiraan dadka ku dhintay gurigooda.

Jaamac Maxamed Cali ayaa sheegay in markii ay qaraxyadu dhaceen uu ku suganaa guri kale oo u dhow guriga ay ku geeriyoodeen qoyskiisa ee isugu jiray waalidkiis iyo walaalahiis.

“Walaalow musiibo ayaa cideydii ku dhacday saakay intii salaadda subax lagu jiray, 10 qof oo ehelkeyga ah oo hooyo iyo aabe ay ku jiraan ayaa halgoob ku geeriyootay, sidoo kale gabar iyo wiil walaalahey ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyadii Maxaas ka dhacay, aniga
xiligaas waxaan ku sugnaa guri kale oo ku xigay kan qoyskeyga ku dhamadeen” ayuu yiri Jaamac Maxamed Cali .

Jaamac Maxamed ayaa sheegay in waxa ka dhacay magaalada Maxaas ay ahayeen musiibo, islamarkaana uu dareemayo murugtii ugu balaarneyd, isagoona xusay in qaraxyadaasi aysan laheyn wax bartilmaameed ah.

“Hadda hadii aad aragto goobtii, waxaad is leedahay meeshaan waligeed guri lagama dhisin” ayuu yiri Jaamac Maxamed Cali oo aad u murug uga muuqatay codkiisa.

Guriga ay ku dhinteen dadkaan isku qoyska ahaa ayuu sheegay Jaamac inuu ku yaalo meel u dhaw Saldhiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyadaani ay noqonayaan kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY