Iska hor imaad lagu dilay Taliye ciidan oo ka dhacay degmada Dooloow

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Dooloow ee gobolka Gedo, kaasoo dhexmaray ciidanka ilaalada garoonka iyo Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday.

Inta la xaqiijiyay iska hor imaadka Maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Dooloow waxaa ku dhintay 4 ruux oo uu ka mid yahay taliyahii ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha Dooloow, waxaana ku dhaawacmay sadax ruux oo kale.

Maleeshiyaadka weerarka khasaaraha geystay ku qaaday garoonka degmada Dooloow ayaa la sheegay iney diidanaayeen in garoonka laga soo qaado Sarkaal lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed Cosoble oo ku eedeeysan inuu dilay Aadan Garaac Habarwaa, kaasi oo ka mid ahaa sadex tuhmane oo loo heysto qarax 18-kii bishan lagu dilay marxuum Dhamme Maxamed Aweys kaasi oo ahaa taliyihii Ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaadkaan ay ka war heleen in Muqdsho lagu soo gabagabeynayo Maxkamadeynta Sarkaalkaan ku eedeysan dilka Taliyihii Ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Dolow ayaa sheegay in Maxkamada ay soo saari doonto xukunka eedeysane Cabdulaahi Maxamed Cosoble isaga oo ka codsaday xeer ilaalinta iney keenaan cadeymo la xiriira kiiska taliyihii qaraxa lagu dilay iyo tuhmanihii lagu dhex dilay xabsiga.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Gedo oo Maanta warbaahnta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in Cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka saraakiisha ee ka dhacay degmooyinka Dooloow iyo Baled xaawo gobolka Gedo.

SHARE

LEAVE A REPLY