Imtixaanka dugsiga sare ee dowladda oo Maanta bilaabanaya

0

Waxaa Maanta oo Sabti ah si rasmi ah u bilaabanaya Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare oo sanad walba xiligaan oo kale ay qaado dowladda Soomaaliya.

Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2022/23 ayaa la sheegay iney u fariisanayaan arday gaareysa 34,000 oo ku kala nool gobolada dalka marka laga reebo deegaanada Somaliland iyo Puntland, sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Ardayda Maanta u fariisaneysa Imtixaanka Shahaadiga ayay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya u diyaarisay iney ku galaan Imtixaanka 114 xarumood oo amnigooda lagu wareejiyay ciidanka Booliiska Soomaaliya.

114 goobood ee lagu galayo imtixaanka dugsiyada sare ayaa ku kala yaala deegaanada dowlad goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ardayda u soo jeedisay in ay soo qaataan labiska u gaarka ah iyo dhamaan waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah Imtixaanka.

Gabagabadii Imtixaankaan Maanta bilaabanaya ayaa waxaa ka qeyb galeynin ardayda ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo dib loogu dhigay imtixaankooda sababo la xariira fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geytay Baledweyne iyo nawaaxigiisa.

SHARE

LEAVE A REPLY