Imaam Masaajid oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ahaa Imaam Masaajid.

Allah u naxariiste Imaamka Masaajid ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cubeyd, waxaana la sheegay in dilkiisa ay geysteen burcad hubeysan oo ka dhaceysay Taleefan uu watay marxuumka, kuwaas oo dilkiisa kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Cabdi Cubeyd ayaa Imaam ka ahaa Masaajidka Cubeyd oo ka mid ah Masaajida ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kaasoo uu waqafay aabahiis Cubeyd.

Ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Kaaraan ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta lagu dilay marxuumka, kuwaas oo sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho waxay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga liita gobolka Banaadir, waxaana inta badan dil iyo dhac ka geysta degmadaasi kooxaha burcada iyo Ciyaal weerada.

SHARE

LEAVE A REPLY