Ilhaan Cumar oo markale guul taariiqi ah gaartay

0

Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Ilhan oo sanadkii 2018 noqoto qofkii ugu horreeyay ee Somali-Amerikan ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda.

Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheda kadib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay mid Soomaalida u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay.

SHARE

LEAVE A REPLY