Howlgalo lagu burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayeen duuleedka Buulaburye

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaano macawiisleeyda ayaa Maanta howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ku yaala galbeedka degamada Buulaburte ee gobolka Hiiraan. 

Howlgalada ciidamada iskaashanaya ayaa waxaa hoggaaminya guddoomiyaha degmada Buulaburte Xasan Maxamed Cabdi iyo masuuliyiin kale uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiladhiif Maxamuud iyo Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali iyo saraakiil kale.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalada ka sameeyay deegaanada kala ah Dhagaxyaale, Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo dhamaantood ahaa deegaano Al-shabaab ka sugnayeen mudooyinkii dambe.

Guddoomiyaha degmada Buulaburte Xasan Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay isaga carareen deegaanadaan, islamarkaana ciidamada ay howlgalada ku burburiyeen fariisimo iyo godad uga qodnaa deegaanadaas kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ay Maanta ka sameeyeen deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab uu si rasmi ah dhawaan uga bilaawday gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY